Wednesday, June 25, 2025

Wasaaradda Caafimaadka oo difaacday Isbitaalada & dhaqaatiirta Turkiga ee Muqdisho

daalo
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo)

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa difaacday adeegyada caafimaad ee ay fidiyaan Isbitaalada gaarka loo leeyahay sida kuwa Turkiga ee magaalada Muqdisho, iyadoo ku dooday in lacagaha ay qaadaan isbitaaladaasi ay aad uga yar tahay haddii la barbardhigo isbitaalada dibadda.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo ) oo marti ku ahaa barnaamijka kulanka toddobaadka ee TV-ga iyo Raadiyaha dowladda ayaa sheegay si xoog leh u difaacay adeegyada caafimaad iyo tayada isbitaaladda Turkiga ee ka furan magaalada Muqdisho, iyadoo cabasho badan iyo su’aalo badan oo dadweynuhu ay weydiiyeen ay jawaabtiisu noqotay is barbardhig isbitaalada dibadda iyo kuwa Turkiga.

Wasiir ku xigeenka ayaa qiray inay wax baaritaan ah ku sameyn dhaqaatiirta ka timaada Turkiga ee Muqdisho ka howlgala, maadaama ayuu yiri ay Wasaaradda Caafimadka Turkiga soo diro oo ay saaxiibo yihiin dalalka Turkiga iyo Soomaaliya.

Mid ka mida dadweynihii soo wacay barnaamijka ayaa ka cawday in lacag dhan $2500 laga qaatay si qalliin loogu sameeyo qof ehel u ahayd oo kadib geeriyootay, laakiin wasiirku wuxuu mar kale ku jawaabay in qalliinkaasi haddii dibadda loo qaadi lahaa ay lacag ka badan ku bixi lahayd.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa dhaliil u soo jeediyay dhaqaatiirta Soomaalida oo uu sheegay in mid waliba uu xarun caafimaad oo gaar ah furtay, isagoo aan ogoleyn inay isbitaalada waaweyn ka howlgalaan oo dadka ugu adeegaan si bilaash ah, wuxuuna intaas ku daray in shaqooyin dhaqtareed oo ka bannaanaa isbitaalada Digfeer oo la baahiyay la waayay hal dhaqtar Soomaali ah oo codsada ama buuxiya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON