Warbixin ay soo saartay caawa wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in geerida 3 qof oo cudurka Covid-19 iyo 20 kiis cusub oo laga helay dalka.
Wasaaradda Caafimaadka aya war-saxaafadeed ay soo saartay ku shegtay in kiisaska Coronavirus ee dalka ay gaareen 80, kadib 20 kiis cusub oo la helay 24-kii saac ee ugu danbeysay.
Warbixinta Wasaaradda waxaa ka mid ahaa:
- Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24kii saacadood ee danbaysay, waxaa soo kordhay 20 xaaladood oo cusub, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 80 xaaladood.
- Waxaan bulsahda kula dardaarmaynaa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan.
- Haddii aad isku aragto calaamadaha Caabuqa COVID-19, isku karatiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir 449 si laguu siiyo talo caafimaad.
- Tirada guud kiisaska la xaqiijiyay: 80
- Kiisaska cusub maanta: 20
- Tirada Bogsootay: 2
- Tirada Dhimashada: 5
Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ee caawa ayaa ahayd qabyo, iyadoo faahfaahin laga bixin 3-da qof ee cudurka u geeriyootay iyo halka ay ku dhinteen sidoo kale ma sheegin waxa ay kala yihiin iyo da’dooda sida hore looga bartay, waxayna arrintan mugdi kale sii gelineysaa warbixinnada ay Wasaaradu soo saarto.
