Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay qaaataan kaarka aqoonsiga Hay’adda NIRA.
Wareegto kasoo baxay wasaaradda oo aysan cidna ku saxiixneyn, isla markaana aan wax taariikh ah lahayn oo lagu faafiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan adeegyada ay bixiso Wasaradda lagu xiray lagu xiray isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda (NIRA).
Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu yiri: “Wasiiraddu waxa ay bulshada ku wargelinaysaa in dhammaan adeegyada ay bixiso lagu xiray isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA. Waxaa Kaarka Aqoonsiga looga baahanyahay dhinacyada hoos ku xusan:
– Xubnaha saamilayda shirkadaha gaadiidka dadweynaha;
– Qof kasta oo codsanaya ruqsadda darawalnimo ama cusboonaysiinteeda;
– Qofka doonaya is-diiwaangelin ama wax-ka-beddel lahaanshaha gaadiidka;
– Qof kasta oo doonaya in uu helo rukhsado kale oo la xiriira gaadiidka.
Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay daba socoto go’aankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee soo baxay 7-dii April 2025, kaaso o xoogga lagu saaray muhiimadda isku xirka adeegyada dowliga ah iyo adeegsiga aqoonsi rasmi ah ee Hay’adda NIRA.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
