Thursday, July 17, 2025

Wasaaradda Ganacsiga oo kala dirtay Rugtii Ganacsiga G/Banaadir [Akhri Go’aan culus]

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ee xilka sii heysa ayaa soo saaray qoraal uu waxba kama jiraan ka dhigayo Jiritaanka Rugta Ganacsiga ee Gobolka Banaadir.

Arrinta oo lagu soo beegay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu doortay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamuud C/kariin Gabeyre ayaa saameyn ku yeelaneysa sharcinimada guddoomiyaha la doortay ee qeyb ka ahaa labada dhinac ee la kala diray.

Qoraalka oo summadiisu ahayd 00946/WGW/17 ayaa Wasaaradda Gancsiga iyo Warshadaha  ku sheegtay in muran iyo khilaf ka tagnaa laba maamul oo isku heystay hoggaanka Rugta Ganacsiga ee gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed

Wasiirka ayaa sheegay in la baabi’iyay jiritaanka labada dhinac ee isku haysta maamulka Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kale la baabi’iyay go’aankii hore ee wasaaraddu ku aqoonsatay mid kamid ah labada dhinac.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda qaban aabineyso doorasho loo qabanaya Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir.

AKHRI QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON