Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa mamnuucday alaabaha Toys-ka Caruurtu ku ciyaarto ee ka samaysan Qoryaha, Bistooladaha iyo waxyqabaha Qaraxyada ee dalka la keeno.
Wasiirka Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa soo maanta saartay wareegto uu ku mamnuucay wixii hadda ka danbeeya alaabta ay caruurtu ku ciyaarto ee ka sameysay qoryaha, baaruudda, Bistooladaha iyo bamka.
Dad badan ayaa is weydinaya xilliga lagu soo beegay wareegtada iyadoo qalabkan ay si weyn u yaallaan Suuqyada Muqdisho, wax saameyn ahna aanu yeelan doonin iyadoo mar hore la soo dejiyay oo ganacsi ahaan ay suuqyada u yaallaan.
HOOS KA AKHRI WAREEGTADA