Thursday, June 26, 2025

Wasaaradda Maaliyada Qalab casri ah u qeybisay Wasaaradaha & Hay’adaha dowladda [Sawirro]

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sheegay in Ilaa iyo 50 Hay’adood oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ku wareejiyeen qalab loogu talo galay in lagula socdo kharashaadka hay;adahaasi loogana hortago Musuqmaasuqa.

Wasiirka ayaa  tilmaamay in Qalabkaan uu markii hore ku koobnaa Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo Kastamka, balse hadda la gaarsiiyay ilaa iyo 50 Haay’adood oo dowladda hoos yimaada. Arrintan ayaa la jaan qaadeysa Nidaamka Maaliyadda ee dalalka hore u maray ay ku shaqeeyaan, waxayna sahleysaa in la ogaado halka ay ku baxdo lacagta dowladda.

Qalabkaan ayaa loo isticmaalayaa nidaamka cusub ee Financial Management Information System (FMIS) oo lagula soconaya dakhliga u soo xarooda dowladda, nidaamkaan oo la hirgaliyey sanadkii la soo dhaafay balse hada si toos ah loogu xiray dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

“Waxaa qalabkan ka fa’iidaysanaya 57 hay’adood waxaana loo isticmaalayaa  in hay’ad kasta ay xafiiskeeda ka soo dalbato wiixi la xariira meel marinta miisaaniyadeeda, kulan socoto kharashaadkeeda, wixii xog ahna ay la wadaagi karto Wasaaradda Maaliyadda, wuxuu sidoo kale suurta galinayaa in si fudud loo diyaariyo warbixinada maaliyadda, hadii ay ahaan lahayd mid maalinle ah, Usbuucle, Bile, ama Sadex biloodle. Islamarkaasna wuxuu fududaynayaa raad raaca dhanka isla xisaabtanka iyo hanti dhowrista” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

 

DAAWO SAWIRRO

MOF (2)-2MOF (13)MOF (21)-2MOF (22)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON