Wasaaradda Warfaafinta ayaa war ka soo saartay xariga loo geystay xaruntii Telefishanka Universal ee Muqdisho, agaasimihii Bariga iyo Bartamah Afrika C/llaahi Xersi iyo weriye Cawil Daahir Salaad.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda warfaafinta Maxamud Cabdi Xasan (Beekos) ayaa saxaafadda u sheegay in qof kasta la xiri karo, Telefishanka la xirayna uu sharciga jebiyay, kadib markii uu ku eedeyay inuu hawada ka sii daayay wixii uu rabo oon xad lahayn.
Wasiiru dowlaha wuxuu sheegay in Maxkamad la soo taagi doono dadka ka xiran telefishanka Universal, isla markaana wixii ay sharciga ka helaan ay heli doonaan.
Ma jiro war kale oo ka soo baxay Hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka, iyadoo ay sii xoogeysanayaan dhinacyada dalbanaya in la sii daayo weriyeyaasha, maamulka iyo xarunta telefishanka Universal.
Goobjooge.com