Wasaaradda Waxbarashada ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Shahaada cusub oo Dugsiyada sare ee dalka ardayga ka baxda la siin doono, taasoo oo noqon doonta Shahaadada rasmiga ah ee ardayda dugsiyada sare qaadan doonaan.
Shir isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka, Wasiiru-dowlaha, Wasiir ku-xigeenka iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay naqshada cusub ee Shahaadada Dugsiga sare oo la sheegay in shahaadada laga aqoonsanyahay caalamka.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Khadro Bashiir Cali ayaa sheegtay in wasaaraddu ay ku guuleysatay inay soo saarto Shahaado casri ah oo dhanka dugsiyada sare oo aan la been abuuri karin, waxna laga bedeli karin. Waxayna intaas ku dartay in Shahaadadan oo kaliya la siinayo ardayda.
HOOS KA DAAWO NAQSHADA CUSUB EE SHAHAADADA
[ot-caption title=”NAQSHADA SHAHAADADA CUSUB EE DUGSIYADA SARE” url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2015/09/SHAHAADO-CUSUB.jpg”]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]