Friday, July 11, 2025

Wasiir Ahmed Hussein oo ku dhawaaqay deeq dowladda Canada ugu deeqday Abaaraha Soomaaliya

Dowlada Canada ayaa ku dhawaaqday taageero dhaqaale oo lagu saacidayo dalalka Bariga Afika ee abaaraha ku dhufteen.

Wasiirka socdaalka Qaxootiga iyo Jinsiyadaha dalka Canada oo asalkiisu yahay Soomaali, laguna magacaabo Axmed  Xuseen oo ku hadlayay magaca wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalkaasi Marie-Claude Bibeau, ayaa ku dhawaaqay lacag dhan  $119.25 million oo doolar.

Lacagtan ayaa loogu talogalay dalalka xaaladda degdega ah ay ka jirto ee kala ah: Nigeria, Somalia, South Sudan and Yemen. Deeqdan ayuu sheegay wasiirka inay tahay naf-badbaadin siiba lagu iibinayo cunto, biyo iyo dawo.

Wasiir Ahmed Xuseen ayaa ka mida muuqaalada ugu waaweyn ee ka dhex muuqda dunida marka la eego dadka qaxootiga ah ee dalalkii ay u qaxeen ka qabtay xilal sare.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON