Tuesday, June 24, 2025

Wasiir Cabbaas Siraaji oo Maanta Aas Qaran loogu sameynayo Magaalada Muqdisho

Aas qaran ayaa maanta lagu wadaa in loo sameeyo wasiirkii wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u Dhiska marxuum Cabaas Cabdullahi Siraaji oo xalay si aan wali sharrxaad buuxda looga bixninin ay askar ka tirsan dowladda tooagsha ugu dileen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa si lama fillaan ah u soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay dalka Itoobiya, ka dib dilka wasiirka. Wuxuu u soo gaabiyay si uu uga qaybgalo aaska loo sameynayo marxuumka.

”Waxaan ku amray hay’adaha ammaanka inay si dhakhse leh baaritaan ugu sameeyaan masiibadan foosha xun. Waana in kuwii ka dambeeyay la horkeenaa caddaaladda”, ayuu madaxweynuhu ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Wasiir Siraaji oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federalka Somaliya ayaa laga soo doortay deeganada Jubbaland, isaga oo doorashadii Xildhibaanimada kaga adkaaday wasiir hore

War qoraal ah oo ka soo baxay Jubbaland ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka inay baaritaan baahsan ku sameyso dilkaas, isla markaana la soo bandhigo wixii ka soo baxa baaritaankaas.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqday isbitaalka la geeyay meydka wasiirka xalay, ayaa tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday iyo shacabka Soomaaliyeed.

Cabaas oo 32 sano jir ahaa ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirka ugu d’ada yar wasiirada xukumadda cusub. Wuxuu ka mid ahaa qaxootigii ku soo barbaaray xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

AKHRI: Side u dhacay dilka wasiirka..?

Wax badan lagama ogo sida uu dhacay dilka wasiirka. Wasiirka warfaafinta ee dowladda Federaalka Eng. Cabdrixmaan Yariisow ayaa BBC-da u sheegay in askeri saarna agaari ka horeeyay kan uu wasiirka watay uu rasaas ku furay wasiirka. Wuxuu intaasi ku daray in askeriga lagu tuhunsan yahay dilka la soo qabtay uuna socdo baaroitaan ku aadaan sida ay wax u dhaceen.

Waxaa la aaminsan yhay in hal xabad lagu riday gaariga uu watay wasiirka
Waxaa la aaminsan yhay in hal xabbad lagu riday gaariga uu watay wasiirka

Taariikh nololeedka wasiirka oo kooban

  • Wuxuu ku dhashay Afmadow 1985
  • Waxaa Dhadhaab loola qaxay 1992
  • Dugsiga sare ayuu Dhadhaab kaga dhameeyay 2005
  • Jaamacad ayuu Nairobi ka billaabay 2007
  • Dalka ayuu dib ugu laabtay 2011
https://goobjooge.net/sidee-loo-dilay-wasiirkii-howlaha-guud-ee-soomaaliya-cabbaas-cllaahi-sheekh-siraaji/

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON