Friday, July 11, 2025

Wasiir C/raxmaan Odowaa & Mahad Salaad oo isku heysta Dhul ku yaala degmada Hodon

Kadib qoraalkii kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo lagu joojiyay banneynta dhul ku yaala degmada  Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan dhulkaas la isku heysto.

Akhri: Wasiir Odowaa oo farageliyay dhul la isku heyso degmada Hodon & amar uu diiyay Duqa Muqdisho

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in arrintan dhulkan ay isku qabsadeen Wasiir Odowaa iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad oo ka soo jeeda dhinaca doonaya in dhulkaasi lagu wareejiyo ganacsato laga iibiyay.

Wasiir Odowaa ayaa soo farageliyay arrinta dhulkaasi oo gobolka Banaadir ay go’aamiyeen in la banneeyo lagana saaro dad sharci darro ku degan, wuxuuna dib ug dhigay in dacwad ka socoto, iyadoo la ogyahahay in dacwdaaasi dhammaatay.

Wasiir Mahad Maxamed Salaad  ayaa la sheegay inuu ka mid yahay dadka u ololeynaya in dhulkaasi lagu wareejiyo ganacsato maalgashi ku sameyneysa.

Dadka degan dhulkaasi dowladdu leedahay intiisa badan ayaa bannaanbax saaka ka sameeyay Isgoyska Trebuunka iyagoo sita sawirada wasiir Odowaa, waxayna  arrintan dib u soo celisay dhul boobka ay ku lug leeyihiin wasiirada iyo madaxda sare ee dowladda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON