Thursday, June 26, 2025

Wasiir Cusub oo lagu dhaariyay Xarunta Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya

Kulan ay maanta yeesheen Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa lagu dhaariyay Wasiir cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Eng. Sadiiq Cabdullaahi Cabdi oo loo magacaabay Wasiirka cusub ee Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay xarunta Guddoonka ee Villa Hargeysa.

Wasiirkan oo dhowaan la magacaabay ayaa bedelaya Wasiirkii Marxuum Cabaas Cabdullaahi Cabdi Sheekh Siraaji oo Muqdisho lagu dilay. Kulanka Guddiya joogtada waxaa shir guddoominaya Golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Waxa ka qeyb galay kulanka ouddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim (Muudey)  iyo guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON