Friday, July 18, 2025

Wasiir ka tirsan dowladda oo beeniyay in liiska argagixisada laga saaray Abuu Mansuur Roobow

Wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wararka la faafiyay ee ah in liiska argagixisada laga qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur Roobow” laga saaray liiska argagixisada ee Mareykanka horay u saaray wadaadkaan.

Wasiirka arrimaha dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in sida warka loo dhigay aysan aheyn, laakiin lacagta madaxiisa la dulsaaray laga saaray, halka uu weli ku jiro liiska dadka u diiwaangashan argagixisada caalamiga.

C/raxmaan Xoosh oo bartiisa bulshada kala xiriiro soo dhigay qoraal kooban ayuu ku sheegay in Mareykanka uu ka tirtiray Abuu Mansuur Roobow lacagta shanta milyan ee la dulsaaray, laakiin uu weli liiska ku gyro.

Maalin ka hor ayaa warbaahinta caalamka iyo kuwa Soomaalida ay baahiyeen in liiska argagixisada laga saaray abuu mansuur, lagana qaaday xayiraada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON