Thursday, July 3, 2025

Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo xabsiga dhigay Agaasimaha isbitaalka Jowhar [Akhri sababta]

Maamulka Hirshabeelle oo xabsiga u taxaabay agaasimaha isbitaalka Jowhar oo ah isbitaal ay maamusho hay’adda Intersos ee samafalka.

Wararka laga helayo Jowhar ayaa sheegaya in amarka lagu xiray agaasimaha Isbitaalka Xasan Mahad uu bixiyay wasiirka arrimaha Gudaha Hirshabeelle, isagoo lagu eedeeyay inuu ka hor yimid wasiirka oo ahaa in isbitaalka laga guuro si loogu bedelo xarumo ay ku shaqeeyaan maamulka Hirshabeelle.

Agaasimaha Isbitaalka Intersos ayaa ku jira saldhigga Magaalada Jowhar, iyadoo madaxda Hirshabeelle ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintan.

Isbitaalka Intersos ayaa ahaa mid kaliya ee ka howlgala Jowhar, iyadoo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle lagu eedeeyay inuu xirayo ishii kaliya ee dadka Jowhar ay caafimaadka ka heli jireen xilli ay bukaan ku jiraan isbitaalkaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in agaasimaha Isbitaalka Jowhar Xasan Mahad la sii dayay goor dhow iyadoo bannaanbaxyo looga horjeedo wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ay ka socdaan magaalada Jowhar.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON