Tuesday, June 24, 2025

Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug oo Ahlu-suna ku weeraray Caabudwaaq (Dhageyso wasiirka oo hanjabaad diray)

Ciidamo hubaysan oo ka tirsan Ahlu suna ayaa maanta weeraray hoyga uu Magaalada Caabudwaaq ka degan yahay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Maamulka Galmudug, Cabdiladiif C/laahi Warsame (Gacamey). Iska hor imaadka ka dhacay  Caadbudwaaq ayaa la sheegay inuu sababay dhimasho 2 ruux ah iyo dhaawac tiro badan.

Cabud-Waaq

Ilaalo uu leeyahay wasiirkan ayaa  is caabiyay kooxda Ahlu suna ka gadaal markii ay ku weerareen xaafadda Oktobar oo Wasiirku uu degan yahay. Weerarkan ayaa xaalad khalkhal geliyay ammaanka guud ee Magaalada Caabudwaaq, iyadoo xiisad weyn ka taagan tahay iyadoo gurmado kala duwan ay magaalada ku qulqulayaan.
Wasiirka ayaa sheegay in uu degaankiisa ku sugan yahay oo aanu meelna uga baxeynin, wuxuuna intaas ku daray in rag ka yimid Dhuusamareeb aanay degaankooda joogi karin.
Dhageyso wasiirka la wareeray oo ka hadlaya wixii dhacay

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON