Wednesday, June 25, 2025

Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo ka hor yimid Amar kasoo baxay Xeer ilaalinta Qaranka [Akhri yaabkan]

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya  C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa si cad uga hore yimid qoraal ka soo baxay Xeer ilaalinta Qaranka.

Wasirka ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu fowdo iyo musuq ku eedeeyay Xeer ilaalinta qoraal ay u diray Cumar Faaruuq Cismaan oo sheegta inuu madax u yahay ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ [Akhri Qoraalka].

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay inaan qofna loo diidi karin shir ay qabato, isla markaana qoraalka kasoo horjeedo Qodobo ka mida Dastuurka oo uu xusay, waxayna tani ka mid tahay isku dhacyada hay’adaha dowladda ku dhex mara baraha bulshada.

Wasiir Xoosh ayaa ka mida wasiirada aan la ganban mowqifyadiisa, isla markaana mararka qaarkood ku kaca falal ka baxsan nidaamka dowladeed oo ka horjeeda wadashaqeynta hay’adaha dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON