Tuesday, July 1, 2025

Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo Madaxweyne Deni ugu baaqay inuu Muqdisho u raaco.

Wasiirka Kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni inuu gogol u dhigo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada si heshiis looga gaaro khilaafka u dhaxeeya.

Wasiir Bidhaan oo ka hadlayey goor dhoweyd shirweynaha Wada-tashiga Puntland ayaa madaxweyne Deni u jeediyey inuu gogol u dhigo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada; wuxuuna sheegay inuu rajo ka qabo inuu meesha ka baxo khilaafka labada dhinac.

“Khilaafkii meesha wuu ka bixi doonaa, waxaan ku haweynahay in shirkani uu dal dalooladii meesha ka saaro oo arrimahaasi ay soo baxaan. Madaxweyne Deni waxaan ka codsanaynaa in uu markale casuumo madaxda Soomaaliya, la wada hadlo oo khilaafka layska saaro.. Waxaan kaloo rajeynayaa in markan uu madaxweynaha na sii raaco oo Xamar yimaado”. ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo shirka hore uga hadlay ayaa Madaxweye Deni ugu baaqay inuu tago Muqdisho, wuxuuna sheegay in diyaarad kasta ay ka filaan inuu la socdo Deni.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON