Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Ximan & Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen ayaa ku biiray shirka kooxda Ahlu suna ka furtay magaalada Dhuusmareeb ee la sheegay in maamul loogu dhisayso gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen oo ahaa maamulkii xiligiiisa dhammaaday ee Ximan & Xeeeb wuxuu ku biiray dhismaha Maamulka Ahlusunna ee looga soo horjeedo maamulka uu dhismihiisa ka socdo Magaalada Cadaado ee Gobolka galgaduud oo dowladda Soomaaliya iyo UN-ka ay taageersan yihiin.
Wasiirka ayaa laga soo xigtay in shirka Cadaado iyo maamulka kasoo socda aan dan ugu jirin dadka Gobolada Dhexe, isagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay marin habaabisay shirkaasi.
Nabad-doon iyo siyaasi C/llaahi Geedi Shadoor iyo xubno kale oo ka baxay shirka Cadaado ayaa hore ugu biiray shirka Dhuusamareeb oo la sheegay in saddex gobol maamul loogu dhisayo, sida Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]