Wasiir ka tirsan xukuumadii dhacday ee Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay in loo magacaabo xilka Ra’isal wasaaraha.
Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Eng. Abdullahi Ali Hassan ayaa la sheegay in rajadiisa ay si weyn u xoogeysatay 24-kii saac ee ugu danbeeyay, iyadoo madaxweyne Farmaajo u yeeray si uu xogwareysi ula yeesho, isagoo ka mida xubno khadka Telefoonka iyo si toos ahna Madaxtooyada ula xiriirtay.
Waxaa sii yaraanaya fursada ah in xilka Ra’iisal wasaaraha loo magacaabo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya oo markii hore la hadalhayey, waxaana hadda loo badinayaa inay ugu cadcad yihiin Eng. C/llaahi Cali Xassan oo mudo sanad ah hayay xilka wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo C/naasir Maxamed Cabdulle oo ka mid ahaa musharixiintii xilka Madaxweynaha 2016/2017.