Monday, June 23, 2025

Wasiir Maareeye oo Dacwad aan hore loo arag ku soo oogay Boqorka Beeshiisa

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Maxamed Cabdi Maareeye ayaa dacwad ku soo oogay oday dhaqameed beeshiisa.

Wasiirka oo maanta tegay xarunta Dembi Baarista Booliska ee CID-da Muqdisho ayaa halkaas saxaafadda kula hadlay wuxuuna sheegay inuu isagoo muwaadin caadi ah uu dacwad ku soo oogay Boqorkiisa oo uu sheegay inuu shirqool siyaasadeed u dhigay, kuna eedeeyay inuu afduubtay Oday dhaqameedka Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay inuu dacwad ka yahay boqorka Beeshiisa oo wada sida uu yiri mu’aamarad uu ku doonayo in looga hor istaaho xaqiisa, isagoo beeniyay inuu afduub kula kacay ama xirtay nabadoonka warbaahinta lagu faafiyay.

Ad

Wuxuu kaloo sheegay in arrintan ku lug leedahay dagaalka ay ugu jiraan xuquuqda beelaha Waqooyi ee Aqalka sare.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON