Monday, June 23, 2025

Wasiir Maareeye oo Dood ku saabsan Coronavirus oo yaab leh ka dhaliyey Baraha Bulshada..

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa mar kale muran weyn iyo dood ka dhaliyay Baraha Bulshada ee Soomaalidu ku xiriirto markii uu kasoo yeeray War ku saabsan cudurka Coronavirus.

Wasiirka oo shalay iskiis shir jaraa’id u qabtay markii uu dhammaaday shirkii Jaraa’id ee Wasaaradda Caafimadka iyo Culimada Soomaaliyeed ee arrinta cudurka Covid19 ayaa ku dooday in qof kasta oo Muqdisho ku dhimata ay Dowladda Soomaaliya u aqoonsan tahay inay u geeriyootay cudurka Coronavirus.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in maalin walba ay dhintaan dad farabadan oo la sheego inay u dhintaan cudurro kala duwan sida Mallaariyo, balse wuxuu si cad u sheegay isagoo ku hadlay magaca dowladda in qof kasta oo dhinta xilligan ay u aqoonsadeen inuu u dhintay cudurka COVID-19.

Ad

“Wuxuu dhahayaa malaariyo ayuu u dhintay, cagaar-show ayuu u dhintay, waxba kama jiraan, dowladda Soomaaliya waxay maanta u aqoonsan tahay qof kasta oo dhinta Coronavirus inuu dilay, markii laga baxo halkii caada ahaa halagu noqdo, waxba yaa been la sheegin, qandhada oo dhami waa Coronavirus, dadka waxaa leenahay qof qandheysan halaga dheeraado”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Kumanaan qof oo ka fal celiyey Warka kasoo yeeray Wasiir Maareeye ayaa ku tilmaamay nin galay howl aanu shaqo ku lahayn, halka qaarkood ay ku eedeyeen Wasiir Maareeye inuu yahay muran u joog adigaa dhiman u hadla.

Warka ugu badan ee baraha bulshada looga doodayo ayaa noqday warka kasoo yeeray wasiira Maareeye.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON