Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas (ICRC & SRCS) Soomaaliya ay simeen argagixisada Alshabaab iyo Dowladda Soomaaliya.
Qoraalka Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa lagu sheegay in weerarkii iyo Xasuuqii 28 Dec 2019 Argagixisadu kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ay ICRC iyo SRCS ku tilmaameen Iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.
Wasiir Maareeye ayaa intii uu xilka la wareegay si joogto ahu soo saarayey qoraallo kala duwan oo xambaarsan khilaaf kala dhaxeeya hay;ado kala duwan iyo xil ka qaadista agaasimeyaasha wasaaradda, waxaana warkii ugu danbeeyay uu ahaa muran kala dhaxeeyay Wasaaradda Waxbarahsada iyo Wasiir C/llaahi Goodax Barre.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga xun tahay Warka ka soo Baxay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC &SRCS) Soomaaliya, oo weerarkii iyo Xasuuqii 28 Dec 2019 Argagixisadu kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.
Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay.
Hay’adaha ICRC iyo SRCS iyo hay’adaha lamidka ah waxaan usoo jeedineynaa inay kala saaraan Ereyada dhiirrigelinta u ah Argagixisada iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca, maxaa yeelay hadalka Kasoo baxay labadaas hay’adood wuxuu marin habaabin ku sameynayaa muuqaalkii uu lahaa Weerarkii Argagixiso ee 28/12/2019,
Labada Hay’adood aan kor ku soo sheegnay iyo kuwa la midka ah ee ka hawlgala Soomaaliya Waxaan la socodsiinaynaa in Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan Argagixiso duullaan ku ah Dadkooda, Dalkooda iyo Diintooda.
Sidaas daraadeedna ay xadgudub tahay in argagixiso u taagan xasuuqa shacabka la barbar dhigo Dawladda Soomaaliya oo ficilla dooda loo yeelo waji wanaagsan.
Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya waxa ay dhinaca kale soo dhaweyneysaa War-Murtiyeedkii Kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo 30-kii Dec. 2019 Kulan dag dag ah ka Yeeshay Weerarkii Argagixisada Al Shabaab ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu laayay Dad Shacab ah oo aan waxba galaybsan.