Wasiirka Warfaafint Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka hadlay qarixii maanta ku qabsaday Hotelka SYL oo shir uga socday.
Wasiirka oo si toos u tegay TV-da dowladda kadib qaraxa ayaa tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay, isagoo sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen ujeedka lala damacsanaa qaraxii maanta.
Sidii caadada u ahayd madaxda dowladda ayuu wasiirka cambaareyay ficilada kooxda Shabaabkku bartilmaameedsanayaan goobaha shacabka isugu yimaadaan, sida uu yiri wasiirku
“Wasiirka dekadaha iyo wariyeyaal dhowr ah oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka ayaa dhaawacyo muraayado ku saabsan ay soo gaareen, xaaladooduna way fiicantahay, hadda Alxamdullih, waxaana Alle uga baryayaa in uu bogsiiyo” ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Wasiirka ayaa ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Hotelka oo jugta kasoo gaartay weerarka, waxaana kaloo dhaawacyo ka soo gaareen weriyeyaal dhowr ah.