Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta xilka ka qaaday maareeyihii Golaha Murtida iyo Wacyigalinta Tiyaatarka Qaranka, isagoo magacaabay maareeye cusub.
Qoraal kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta ayaa xilkii looga qaaday Maareeyihii hore ee Tiyaatarka Maxamed Abuukar Axmed (Ma’da), wuxuuna maareeye cusub u magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf (Shube), wuxuuna sabab uga dhigay in loo baahnaa qof aqoon u leh xirfada Golaha Murtida oo ka tirsan Bahda Fanka, Suugaantai yo Dhaqanka Soomaaliyeed.
Golaha Murtida oo dib loo dhisay ayaa lagu wadaa in dib loo furo dhowaan, wuxuuna agaasimihii hore qeyb ka ahaa dadaalkii dib loogu dhisay. Wasiir Maareeye aya hore xilalkii uga qaaday agaasimeyaasii Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka.
HOOS KA AKHRISO
