Sunday, July 13, 2025

Wasiir Mahad Salaad & Weriye C/casiis Afrika oo dagaal qaraar ku dhex maray Facebook

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa jawaab kulul oo aan soo daahin ka bixiyay sawir iyo faallo

uu faafiyay weriye C/casiis Afrika oo Idaacadda dowladda iyo TV-da Qaranka u qaabilsan NISA.

Weriye Afrika ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawirada wasiiradda kala ah C/raxmaan Odowaa iyo Mahad Maxamed Salaad oo diyaarad dhexdeed ay isaga qaadeen xilli hore, wuxuuna ka qoray feker u muuqday inuu wasiirada ku kacsan yahay isagoo ku tilmaamay kuwo fashilmay oo ku mashquulsan sawiro iyo facebook.

Saacado kooban kadib Wasiir Mahad Maxamed Salaad ayaa ku jawaabay isna bartiisa Facebook, isaoo faahfaahin ka bixiyay sawirka iyo xilliga la qaaday iyo shaqadii ay xilligaasi  ku dhex jireen, wuxuuna weriyaha Qaran la helay ereyo adag oo uu ku af tirayo fal ula muuqday dayaacad raqiis ah.

Weriye Afrika ayaa ka daba qaatay isagoo markan toos u weeraray wasiirka wuxuuna warkiisa ku soo gabagabeeyay in wasiirka xil uusan gaarin lagula khaldamay.

Ma cadda waxa dhex maray wasiirada ay ehelka yihiin iyo weriyaha caanka ah, waxaase muuqda in baraha bulshada uu ka socdo dagaal shaqsiyadeed  guntiisu fog tahay, laakiin rajo laga qabo inuu halkaasi ku hakado.

HOOS KA AKHRISO FARIIMAHA AY IS WEYDAARSADEEN WASIIRKA IYO WERIYAHA

Wasiiro-sawirgelid

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON