Saturday, July 26, 2025

Wasiir Odowaa: “Dowladu tallaabo degdeg ah ayay ka qaadi doontaa kooxda nabad-diidka ee Dhuusamareeb weerartay”

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdiraxamaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku hanjabay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan kooxda nabad-diidka ah ee uu sheegay inay is abaabuleen oo ay qabsadeen degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Odowaa

Wasiirka oo ka hadlay  garab ka mida Ahlu Sunna oo shalay qabsatay magaalada Dhuusamareeb ayaa nasiib darro ku tilmaamay weerark uu sheegay in kooxda nabad diid ahi  ku qaaday Dhuuso-Mareeb, wuxuuna ku eedeeyay inay kooxdaasi jebisayheshiiskii xabad joojinta ahaa ee kal hore lagula galay magaalada Guriceel.

Wuxuu sheegay in qabsashada Dhuusamareeb ay tahay tallaabo lagu doonayo in  lagu hagar daameeyo Shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee Cadaado ka socda waxaana wasiirku yiri: “Dowladda Soomaaliya tallaabo degdeg ah ay u qaadi doontaa ka hortagga kooxda nabad-diidka ah ee weeraray magaalo xasilooni ka jirtay, kuna jirtay gacanta dowladda Soomaaliyeed” .

Waa markii ugu horeysay ee dowladda Federaalka ay  Nabad-diid ah ku tilmaanto kooxda Ahlu Sunna, taasoo ahayd magac ay hore dowladdu ugu tilmaami jirtay kooxda Alshabaab. Lama oga sida hanjabaadda wasiir Odowaa u dhaqan geli doonto iyo tallaabada ay dowladdu qaadi doonto.

Dhinaca kale wasiirka Arrimaha gudaha ayaa la sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Cadaado halkaas oo wejigii labaad ee shirka goboladda dhexe hakad ku jiro khilaaf ka dhashay Ergada shirka iyo guddiga farsamada shirka awgiis.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON