Wednesday, June 25, 2025

Wasiir Odowaa oo Deeq lacageed mar kale u diray ciyaaryahan ku xanuunsan Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Faederaalla Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa ayaa Deeq lacageed Gaarsiiyey Dhibane  Cabdinaasir Saciid Ibraahim (Kaneeco) oo Mudooyinkaan ku Xanuusanayey Magaaladda Muqdisho, waxaana Deeqdaan Wasiirka uu u Wakiishey Ururka Suxufiyiinta Gobolka Banadir .

Deeqdaan Lacageed ayaa waxay dhameyd  1000 doolar waxaana Gaarsiiyey Gudomiyaha Kuxigeenka  Ururka Suxufiyiinta Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Siyaad ( Black) Wuxuuna Deeqdaas Gudoonsiiyey Dhibanaha Aabihiis Saciid Ibraahim

Gudomiyaha Kuxigeenka  Ururka Suxufiyiinta Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Siyaad ( Black) oo ka Hadley Goobta ayaa sheegey in Deeqdaan Lacageed uu soo dhiibey Wasiirka Arimaha Gudaha  waxaa uu intaa raaciyey “Ururka Suxufiyiinta Gobolka Banaadir u bandhigey Wasiirka  dhibaatada Haysata Dhibane Cabdinaasir ka dibna uu ka aqbaley”

Gudoomiyaha Kuxigeenka  Ururka Suxufiyiinta Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Siyaad ( Black) ayaa u Mahadceliyey Dhamaan Intii ka qayb qaadatey ama ka damqatey Cabdinaasir Kaneeco  oo ugu horeeyo Wasiirka arrimaha Gudaha  iyo Bahda  Cayaaraha  oo iyaga Fududeeyey  Deeqdaas in ay gaarto Dhibana Cabdinaasir Kaneeco

Waxaa iyana Goobta ka Hadley  Aabaha dhalay  Dhibanaha Saciid Ibraahim oo u Mahaceliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Oodwaa  iyo Ururka Suxufiyiinta Gobolka Banaadir  sidoo kale waxaa uu u Mahadceliyey Bahda Saxaafadda wuxuuna Dhamaantood uu Ilaah uga baryey  Badel ka Khayr badan  Siiyo

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Xuseen Oodwaa ayaa ah Wasiir ka damqada Dadka Dhibaateysan ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay  joogaan  dhawaan ayey ahayd Markii   Wasiirka uu Deeq Lacgageed uu gaarsiiyey  Wiil Dhalinyaro ah oo ku Xanuusanaa Magaaladda Burco, waxayna Deeqdaan Albaabada u furtey in  Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka  u ansaxiyaan Lacag gaareysa Toban Kun oo doolar ka dib Markii uu Wasiirka uu arrintaa hor dhigey Golaha Wasiirada

Cabdinaasir Saciid ibraahim (Kaneeco)  waxaa uu ka mid ahaa Orodyahanadi Soomaaliya uga qayb galey Tartankii Ciyaaraha Olombikada Adduunka  ee lagu qabtey Dalka Shiinaha 2008  waxaana Cabdinaasir Kaneeco Xiligaas uu ahaa  Orodyahanadii Calanka Soomaaliya Sidey  waxayna Deeqdaan ku soo beegantey iyadoo Orodyahano Soomaaliyeed ay ka qayb galayaan Tartanka Olombikaga Adduunka oo Haatan ka furmey Dalka Brazil

SAWIRRO
Odowaa-lacag2

Odowaa-lacag1

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON