Shirkii Jaamacadda Carabta ayaa ee wasiirrada arimaha dibadda ee Qaahira ayaa go’aanadii ka soo baxay lagu dalbaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta Hubka si ay awood ugu yeelato la-dagaalanka argagixisada, waxaana lagu soo dhoweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee qabashada doorashada 2016-ka.
Wasiiradda Jaamacadda Carabta waxay fadhigoodi 145-aad isku raaceen in la sii wado taagerada dowladda Soomaaliya iyo fulinta qaraarkii Jaamacadda Carabta ee magaalada Sharmasheekh oo Soomaliya loogu qoondeeyay 10-milion oo doolarka Mareykanka in bil kasa la siiyo si loogu kabo miisaaniyada xukuumada.
Waxay kaloo qaraarka wasiirada jaamacada carabta ka mid ahaa baaq loo jeediyay Golaha amaanka Q/Midoobay oo ah inay Soomaaliya ka qaadaan xayiraada dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya si ay ugu suurta gasho dhismaha ciidamada qaranka.
Goobjooge.com