Waxa magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ka furmaya shir ay yeelanayaan wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedyada Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa looga hadlayaa Doorashada 2016 ee la qaban doono aakhirka sanadkan, waxaana looga doodayaa qaabka ammaanka ergada shirka iyo hirgelinta doorashada.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Odowaa ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhaba isagoo sheegay inuu shirkaasi guddoomin doono.
Wuxuu shirkan ku soo beegmayaa iyadoo Madaxda Madasha Qaran shirkoodu ka socdo magaalada Muqdisho kaasoo la filayo in laga soo saaro maanta War-murtiyeed ku saabsan qabsoomidda Doorashada oo muddo 2 bilood ah dib u dhacday.
Goobjooge.com