Tuesday, July 15, 2025

Wasiirada Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis kala saxiixday

Wasaaradaha Caafimaadka caafimaadka dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa heshiis ku saxiixday, iyadoo heshiisku ahaa adkeynta  iyo dhaqan gelinta heshiis hore loo saxiixay.

Waxaa heshiiska dhinaca Soomaaliya u mataleysay Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya Dr. Xaawo Xasan Maxamed iyo wasiirka caafimaadka dalka Suudaan.

Heshiiskan oo Qeexayay in la Sameeyo gudiyo fulineed oo ka socda  labada Wasaaradood ayaaa waxaa la isla gartay in waajib ay tahay in la adkeeyo xiriirka u dhaxeeeya  labada Wasaaradood gaar ahaan dhanka adeegyada caafimaadka waxyaabaha quseeeya  iyadoo  wasiiradda u mahadnaqday dhigeeda dalka suudan ee heshiiskan la saxiixday

Dr.  Xaawa Xasan  ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya  gaar ahaan Wasaaradda caafimaadka heshiiskan ugu fadhiyo muhiimad gooni ah dhowaana sheegtay ka wasaarad ahaan in ay soo dirayaan gudiyadii fulin lahaa waxyaabihii lagu heshiiyay.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON