Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo wafdi ka kooban wasiirada iyo xildhaanada kasoo jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa galabta tegay Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waxaa wafdiga soo dhaweeyay Mas’uuliyinta Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horay u joogay Magaalada Jowhar.
Saxiixayaasha heshiiskii maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa goobjoog ka noqon doona xulista ergooyinka shirka Jowhar oo ay ka qeyb qaadayaan odayaasha beelaha labada gobol.
Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe ayaa ayaa la filayaa in la dardar geliyo si muddo bil gudaheed ah madaxweyne loogu doorto.
Goobjooge.com