Friday, June 27, 2025

Wasiirada taageersan madaxweynaha oo isu diyaarinaya qorshe cusub (Akhriso)

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya garabka taageersan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isu diyaarinaya qorshe cusub oo ay culeys hor leh ku saarayaan inuu is casilo. Qorshahan cusub ayaa yimid kadib markii uu socon waayay qoraal ay wasiirada taageersan madaxweynaha u gudbiyeen Ra’iisal wasaaraha iyagoo kula taliyay inuu xilka isaga tago.

Golaha wasiirada oo dhan
Golaha wasiirada oo dhan

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu cadaadis ku saarayo wasiirada taageersan inay is casilaan si isku mar ah in ka badan 13 wasiir, halkaasina ay ka imaan karto inay dhacdo xukuumadda sida ay ku doodayaan kooxda madaxweynaha, waxaase aad u adag in wasiiradaasi oo dhan ay aqbalaan iscasilaadda iyadoo aan mar qura lagu wada heli karin Muqdisho.

Qorshahan cusub ayaa imaanaya iyadoo ay waxba kasoo bixi waayeen baarlamaanka oo ku kala qeybsamay mooshinka kooxda madaxweynaha wadato, golaha wasiirada oo sidoo kale kala qeybsan iyo Ra’iisal wasaare C/weli oo u muqda inuu dagaalka siyaasadeed sii wado ilaa xilliga ugu danbeeya, tiiyoo ay beesha caalamka u muuqato inay diidan tahay ridista xukuumadda.

 

Goobjooge.com

Muqdisho-Somalia

 

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON