Inta badan xubnaha Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa iska xaadiriyay Shirka Hiigsiga cusub ee 2016 ee ka socda Muqdisho. Shirka oo ay guddoominayaan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayu qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa lagu arkay labadii maalmood ee uu socday tiro badan oo ka mid golaha wasiirada oo qaarkood aan wax door ah ku lahayn shirka.
Wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo wasiiro dowleyaal fara badan ayaa dhoobnaa goobta shirka, waxaana meesha laga dareemay culeys weyn oo ku saabsan tira badnaanshaha wufuuda iyo xubnaha kasoo qeyb galay, iyadoo loogu talo galay 300 wafi, ayaa haddana waxaa shirka korsaar ku noqday xubno badan oo aan shirka wax lug ah ku lahayn oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ciidan.
Dadka qaarkood ayaa is weydiinaya inaysan mas’uuliyiinta dowladda lahayn shaqooyin kale oo ay qabsadaan, kadib markii goobta shirka lagu arkay xubno ku dhow kala bar golaha wasiirada iyo saraakiil sare oo buux dhaafiyay goobta shirka ka dhacayo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]