Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul u eedeeyay Garsoorka dowladda Federaalka ee Soomaaliya, kuna tilmaamay inuu dhalinyey inay dadku cadaalad u raadsadaan Alshabaab.
Wasiirka oo dhinaca kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 10-aad ayaa soo qaatay dacwadii la joojiyey ee ku socotay wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, kadib markii Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay la noqdeen dacwadaasi, galkiina xireen.
“Waa sababta dadweynuhu ay safafka dhaadheer ugu jiraan maxakamadaha kooxda argagixisada.. nasiib darro!!” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi oo soo qaatay Waraaqihii kasoo baxay Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda G/Banaadir ku xireen Dacwadii ku furneyd C/rashiid Janan.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii Dowladda Federaalka ay heshiis la gashay wasiirkii hore ee Amniga Juballand, laguna soo dhoweeyay magaalada Beledxaawo.

HALKAN KA AKHRISO WARBIXIN MUHIIM AH