Wasiirkii Amniga gudaha ee dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa la shaaciyay inuu xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.
Saxaafadda kenya ayaa shaacisay geerida wasiirka ee lama filaanka ahayd, wuxuuna wasiirku ahaa hogaamiyaha dagaalka ay dowladda Kenya kula jirto kooxda Alshabaab.
Joseph Nkaissery ayaa la sheegay inuu shalay ka qeyb galay bannaanbax doorasho oo ka dhacay fagaaraha Uhuro Park ee magaalada Nairobi, isagoo isbitaalka Karen Hospital u tegay hubin caafimaad, kadibna la shaaciyay inuu geeriyooday.
Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay baareyso sababtii geerida wasiirka oo si weyn looga hadal hayo Kenya. Wasiirka ayaa ka mid ahaa madaxda ugu dhow Madaxweynaha dalkaasi Uhuro Kenyatta oo wasiirka amniga Kenya u magacaabay sanadkii 2014.
Kenya ayaa ku dhawaaqay tacsi dhowr maalmood loo murugoonayo geerida wasiirka, waxaana tacsi u diray madax badan oo ay ka mid yihiin kuwa Soomaalida Kenya.