Sii-haya Wasiirka Amniga xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda oo aanu isku dayin waqti kororsi.
Isagoo ka hadlayey shirka Beelaha Mudullood maanta uga furmay magaalada Muqdisho ayuu sheegay madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay doorasho qabteen iyagoo jecel kursiga, madaxweyne Farmaajo-na laga sugayo doorasho aanu hal maalin ku darsan.
“Waxaan xildhiban soo ahaa baarlamaanki 8-aad, kii 9-aad iyo kan hadda.. aniga waan rabaa inaan kursiga iska sii fadhiyo laakiin waxaan diyaar u ahay inaan doorasho aado haddii aan helo iyo haddii la iga helo.. xildhibaannada qaarkood ee doonaya muddo kororsiga waxaan leeyahay riyo ayaad ku jirtiin..” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo caddeeyay inaysan ogolaan karin hal maalin inuu ku darsado Madaxweyne Farmaajo.
