Wasiirka Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa tiro cusub ku soo kordhiyay qasaaraha dagaalka Alshabaab kasoo gaaray weerarkii cuslaa ee ay ku qaadeen xerada ciidamada Itoobiyaanka ee degaanka Halgan, gobolka Hiiraan.
Wasiirka ayaa goor dhoweyd soo dhigay bartiisa twitter-ka war uu ku sheegay in 240 dagaalyahan looga dilay Alshabab dagaalkii Halgan.
Waa qasaarihii ugu badnaa ee ilaa iminka lasoo weriyay iyadoo AMISOM ay sheegtay 110 askari, halka safaaradda Itoobiya ay sheegtay in dagaalka lagu dilay 120 Alshabaab ah.
Dagaalkii Shabaab ay saakay kusoo qaadeen Ciidamada DFS & AMISOM waxaa loogadilay #240 Dagaalyahan
— INTERNAL SECURITY MN (@MoIS_Somalia) June 9, 2016
Goobjooge.com