Monday, July 7, 2025

XOG: Wasiirka arrimaha dibada Somaliya oo laga joojiyay shir jaraa’id oo uu ku qaban lahaa Nairobi

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya C/Salan Hadliye Cumar ayaa laga joojiyay daqiiqadihii ugu danbeeyay shir jaraa’id oo uu ku qaban lahaa safaaradda Soomaalida ee magaalada Nairobi iyadoo shirka oo saxaafad badan loogu yeeray la kansalay xilligii ugu danbeeyay iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin.

Wasiirka ayaa ku sugnaa xarunta safaaradda waxaana shirkiisa jaraa’id uu qorsheeyay inuu uga hadlo weerarkii Alshabaab ku qaadeen ciidamada Kenya saldhigii ay ku lahaayeen degaanka Ceelcade oo lagu dilay askar Kenyaati ah oo aan si rasmi ah tiradooda loo shaacin.

Madaxda dalka Kenya ayaa la sheegay inaysan raali ka ahayn shirkaasi jaraa’id oo ay ku jireen xaalad cakiran iyo tacsi, waxayna safaaradda Soomaaliya ka dalbadeen in la joojiyo shirkaasi jaraa’id, xilli ay weriyeyaasha raadinayeen akhbaar ku saabsan tirada ciidamada la dilay in xaaladda goobta lagu dagaalamay oo dowladda Kenya ay xayiraad ku soo rogtay, waxaana wasiirka gudaha ee Kenya uu soo saaray amar ah inaan la faafin karin sawirada askarta Kenya ee la dilay.

Weriye ka tirsan Nation Media oo markii uu tegay Safaaradda Soomaalida loo sheegay in la joojiyay shirkii jaraa’id ee loogu yeeray ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen.

DHINACA SARE KA DAAWO WERIYAHA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON