Wasiirka arrimaha dibadda Britian Philip Hammond ayaa socdaal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho saacado uun kadib markii uu magaalada ka dhacay weerar dad badan lagu dilay oo kooxda Alshabaab ay ku qaadeen Hotelka Ambassador.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Philip Hammond xarunta Xalane ee ku dhex taalla garoonka diyaaradaha Adan Cade, halkaasoo ay ku taallo safaaradda Ingiriiska.
Madaxweynaha ayaa wafdiga uga xog waramey xaaladda dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dib u dhiska ciidammada iyo mahad celin ku saabsan taageerada Britain ee Soomaaliya.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Mr Hammond ayaa ugu horeyn Madaxweynaha uga tacsiyeeyay geerida shacabkii xalay ay argagixisada ku dileen Muqdisho, waxaana uu intaa kadib soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaalanka argagixisada iyodib u soo nooleynta hay’adaha dowliga.
Labada dhinac ayaa si qota dheer uga wadahadley iskaashiga dhinaca amniga, xoojinta barnaamijka dowladda ee la socodka nidaamka maaliyadda, taageerada barnaamijka isku dhafka ciidammada, iyo wadashaqeynta ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale wasiirka u xaqiijiyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sannadkan doorasho qabato, taas oo dhici doonta waqtiga loogu talagaley ee ah bisha August ee sannadkan 2016-ka. Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey Mr Hammmond inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Mr Philip Hammond ayaa iska hadalkiisa ku soo gabagabeeeyay in Britain iyo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cameron ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya, dhinacyada horumarka, kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo wax walba oo gacan ka geysanaya in mar kale Soomaaliya ay cagaheeda dib isu taagto.
Kulankan waxaa sidoo kale ka qeyb galey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo ay wadahadal yeesheen wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska Mr. Philip Hammond.
DAAWO SAWIRRO