Saturday, July 12, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay qeylo dhaanta kasoo yeertay Dhaawacyadii la geeyay Suudaan

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay xaaladda dhaawacyada qaraxyadii Muqdisho ee la geeyay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

Qoraal ayuu soo diray Yuusuf Garaad ayuu ku sheegay in dad badan ay la xiririeen  isaga iyo mas’uuliyiin kale ee dowladda oo walaac ka muujiyay xaaladda dhaawaca shalay iyo dorraad la geeyay dalka Suudan.

Wuxuu sheegay inay ka warqabaan arrintaasi, isla markaana inta badan dadka dhaawaca ah la xalliyay cabashadii ay qabeen. Inta yar ee hartayna waxaa qorshuhu yahay in isla maanta la xalliyo.

“Howl wanaagsan waxaa qabatay Danjiraha iyo Diblomaasiyiinta Soomaalida ee Khartoum. Mahadi ha ka gaarto. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Danjiraha Qadar ee Khartoum, sii hayaha Safaaradda Qadar ee Muqdisho iyo mas’uuliyiinta dalka Sudan oo xalka qeyb ka ahaa..” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON