Friday, April 19, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wareejiyay Askari ka mida ilaaladiisa oo Rasaas ku furay Shacab

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wareejiyay askari ka mida ilaaladiisa oo shalay rasaas ku furay dad shacab ah iyo Gaadiidley oo ku sugnaa Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Abshir Haruuse ayaa xalay wareejiyay askariga ilaaladiisa ka mid ahaa ee rasaasta furey oo dhaawacay Darawal Mooto Bajaaj, waxaana la xiray askarigaasi, iyadoo baaritaan uu ku socdo, sida uu maanta sheegay Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Falka askarigaasi sameeyay ayaa shalay dhaliyay bannaanbax rabshado watay oo ka dhacay Isgoysyada KM4 ilaa Soobe, iyadoo xaalad xamni darro oo hor leh kusoo kordhiyay magaalada Muqdisho.

Ad

Ilaalada wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee dolwadda ayaa qeyb ka ah askarta dowladda ee rasaasta u adeegsata inay ku furtaan wadooyinka mashquulka badan ee Muqdisho, taasoo dhalisa dhimasho iyo dhaawac soo gaara shacabka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON