Wasiirka arrimhaa gudaha Dalka Kenya Joseph Nkaissery oo ka hadlay Shirkii 66-aad ee Guddiga fulinta UNHCR oo ka dhacay Magaalada Geneva ayaa sheegay in qaar ka mida shaqaalaha Qaramada Midoobey ay ka caawiyaan kooxda Al-shabaab kana taageeraan inay helaan gabbaad iyo goobo ay ku keydsadaan hubka ay weerarrada ku fulinayaan gudah Dalka Kenya.
Wasiirka ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday Jaacamadda Gaarisa 2-dii April ee Sanadkan in hubka lagu weeraray Jaamacadda lagu keydiyay Xeryaha Qaxootiga Soomaalida oo ah goon ay gacanta ku hayaa kana shaqeeyaan Shaqaalaha Qaramada Midoobay.
Eedeynta wasiirka gudaha Kenya oo ka yaabisay madaxdii shirka ka qeyb gashay ayaa caddeeyay in Kenya ay Al-shabaab ka saartay in ka badan 20 Magaalo oo ka bilowda xudduuda Soomaaliya iyo Kenya ilaa Magaalada Kismaayo. Wasiirku wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in shaqaalaha Q/Midoobay ay Al-shabaab ku taageeraan fududeynta weerarrada iyo keydinta hubka.
Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxday Hay’ada UNHCR, waana eedeyntii ugu cusleyd ee dowladda Kenya ay u jeediso hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalkeeda ku sugan.
Goobjooge.com