Thursday, June 26, 2025

Xildhibaanada Baarlamaanka K/Galbeed oo lagu soo xulayo muddo 30 Maalmood ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee  xarunta K/Galbeed,  iyadoo ay halkaasi ka bilaabatay qorshaha xulista xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya in muddo ah dib u dhac ku yimid.

Odowaa

Wasiirka ayaa la sheegay inuu ka qeybgeli doono munaasabad lagu furayo soo xulitaanka xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana arrintaas u xil saaran odayaasha dhaqanka beelaha dega saddexda gobol ee Bay, bakool iyo Sh/hoose. Doorka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ah inay korjoogto ka noqoto howsha xulista xubnaha Baarlamaanka.

Xafladii furitaanka xulista Baarlamaanka Koonfur Galbeed wuxuu ka sheegay  Shariif Xasan Sheekh Aadan in muddo maalmood ah ay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ku soo xuli doonaan Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu ka codsaday odayaasha soo xulaya Baarlamaanka inay tixgelin codsiga haweenka ee ah in xubno badan la siiyo.

Waxaa kaloo xafladda ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka C/raxmaan Odawaa, Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabadi Afey iyo xubno kale. iyadoo si rasmi ah loo furay howsha soo xulista Baarlamaan goboleedka.

Doorashadii  Shariif Xasan ayaa ahayd mid ay sameeyeen ergadii shirka Baydhaba oo qaab degdeg ah ku dhacay iyadoo dowlada Soomaaliya  ay markaas dadaal ugu jirtay in dib loo dhigo doorashada.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON