Tuesday, June 24, 2025

Wasiirka Boostada oo Digniin soo saaray: “Si ku-meelgaar ah loo xalliyay cilladdii Khadka Internet-ka”

Sii-hayaha Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in si KMG ah loo xaliyey ciladii keentay inuu go’o Internetka Mudisho iyo Gobollada Koonfurta dalka.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka ayaa Caawa lagu yiri: “Khadka Internet-ka ayaa dib ugu soo laabtay Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, kadib markii , oo sababtay inuu internetku go’o shalay 26kii Luuliyo 2020, saacaddu markay ahay 10:38 barqo. Shirkadda Dalkom, oo Soomaaliya wakil uga ah xarigga internetka Eastern Africa Submarine Cable System (EASSY), ayaa warbixin ay soo gaarsiisay Wasaaradda ku sheegtay in iyagoo kaashanaya EASSY ay u suurto gashay in ay dib u soo celiyaan addeegga Internetka si KMG ah, ka hor inta ay soo gaarayaan badweynta koox caalami ah oo ka caawisa hagaajinta cilladda ku timid khadka, taas oo ah meel xeebteena u jirta 27km.”

Qoraalka ayaa lagu shegay in Shirkaddu Dalkom ay sheegtay in xarigga uusan go’in, balse uu soo gaaray dhaawac, balse haatan loo xalliyay si KMG ah, wuxuuna Wasiirka Boostada u mahadceliyay shirkadaha Dalkom, Hormuud iyo shirkadaha kale dadaalka ay u ku bixiyeen in la soo yareeyo muddada uu internetku ka maqan yahay qeybo ka mid ah dalka.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka inay taxadar dheeri ah iyo heegan muujiyaan maalmaha soo socda inta cilladdan laga wada xallinayo si uusan hakad u galin adeegga ay bixiyaan. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in dalkeenu uusan ka kabsan karin khadka internetka oo go’a maadaama ay ku tiirsan yihiin adeegyada bankiyada, xawaaladaha, isku-xirka taleefoonnada dibedda, tikidhada, waxbarashada, warbaahinta, adeegyada dawladda sida baasaboorrada, iwm.

Hay’ada Caalami ah oo ilaalisa habsami u socodka Internerka adduunka aya sheegtay inaysan jirin cilad ka muuqata xariga Koonfurta Soomaaliya Internetka, waxayna arrintaas sabab uga dhigay siyaasad iyo in la jaray Internet-ka, taasoo dowladda somalia ay beenisay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON