Thursday, June 26, 2025

Wasiirka Caafimaadka oo wacdarro ka dhigtay shirkii Golaha wasiirada (War-saxaafadeed)

golewasiiro

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, waxaana kulanka looga hadlay qodobo kala duwan oo u badnaa, warbixino laga dhegeystay xubno ka tirsan guddiga gurmadka Abaaraha oo howshiisii u kuurgalista iyo xog uruurinta weli ka sii wada gobolada dalka ee looga cabsi qabo inay waxyeeleyso fatahaadaha iyo roobabka EL NINO iyo sidoo kale, warbixino laga dhegeystay xubno ka tirsan Wasiirada oo safari shaqo ku tagay dalal dibadda ah.

Kulankan ayaa sidoo kale, warbixin dheer looga dhegeystay Wasiirka caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed, waxayna soo bandhigtay warbixino la xiriira waxqabadka wasaaradda, iyo qorshe ku aadan hagaajinta xiriirka Wasaaradda iyo hay’addaha ku shaqada leh caafimaadka ee hoostaga Q/midoobay, waxayna tilmaantay in howlgalo ballaaran oo bani’aadanimo ay ku soo food leedahay Wasaaradda ayna ku jiraan xaalad diyaargarow ah.

Marwo Xaawo ayaa sidoo kale waxay ka warbixisay mashaariic ay hirgelisay Wasaaradda Caafimaadka, iyo ballanqaadyo ay ka heshay dowladdo iyo hay’addo, kuwaasoo ku aadan taakuleyn caafimaad, waxayna rajo wanaagsan ka muujisay dowladdo ay xiriir la sameysay Wasaaradda.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa warbixino ka dhegeystay xubno ka tirsan Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo caafimaadka oo socdaalo xog uruurin ah ku tagay qeybo ka mid ah gobolada dalka, waxayna tilmaameen in dadka iyo duunyadaba ay halis badan ugu jiraan inay waxyeelo xoogan u geystaan Fatahaadaha iyo toobabka la filayo, waxayna ku taliyeen in la helo raashin iyo agab kale oo lagu gargaaro dadkaasi, haddii ay damcaan inay ka fogaadaan degaanadooda iyo beerahooda, iyo weliba qorshe ka dambeeya haddii Fatahaaduhu dhacaan.

—Dhammaad—–

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON