Tuesday, July 8, 2025

Wasiirka cusub ee Amniga Soomaaliya oo shaaciyay Qorshe lagu xasilinayo caasimadda Muqdisho

Wasiirka cusub ee Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa shaaciyay inuu qorshe cusub u dejiyay sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Wasiirka oo maanta ka halayay xil wareejin ka dhacay wasaaradda amniga ayuu sheegay in ammaanka uu ka dhigi doono mid shacabka gacan ka geysto oo heer degmo loo wajaho, wuxuuna intaas ku daray in isla xisaabtan uu ku shaqeyn doono.

Wasiirka cusub ee amniga ayaa intaas ku daray inay isku dayi doonaan in caasimada laga bedelo wejiga ay hadda leedahay ee amni darro, isla markaana muwaadinku helo xasilooni.

Wasiirkii hore ee Amniga Crisaaq Cumar Maxamed ayaa isna goobta ka hadlay, wuxuuna sheegay intii uu xilka hayay inay wax badan u qabsoomeen, isagoo soo dhoweeyay wasiirka cusub ee amniga dalka.

Inta badan wasiirada xukuuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la wareegay xilalkoodii, waxaana inta dhiman lagu wadaa in toddobaadkan la soo dhameystiro.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON