Sunday, August 3, 2025

Wasiirka A. Dibadda Itoobiya oo isu sharxay xil sare Hay’ad Q/Midoobay ka tirsan

 Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom  ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu u sharxan yahay jagada guddoomiyaha Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, isagoo doonaya inuu noqdo madaxii ugu horeeyay ee afrikaan ah oo jagadaasi qabta.

Wasiir Tedros wuxuu rajo ka qabaa inuu xilka kala wareego haweeneyda hadda xilka heysa ee  Margaret Chan, marka xilligeedu dhammaado bisha May ee sanadka 2017.

Tedros Adhanom oo khudbad ka jeediyay xarunta WHO ee magaalada Geneva ayaa sheegay inuu hayo aragtiyo cusub oo uu ku biirin karo Hay;adda caafimaadka adduunka, marka la eego qaarada Afrika iyo dalalka soo koroya ee uu kasoo jeedo, wuxuuna intaas ku daray inay tahay waqtigii Hay;adda uu madax ka noqon lahaa qof la soo noolaa caqabadaha dunida maanta wajaheyso oo noloshiisa ku qaatay Afrika.

Musharxnimada Tedros Adhanom ee xilka guddoomiyaha WHO waxaa taageeraya ururka Midowga Afrika, wuxuuna ugu baaqay dalalka Afrika inay taageeraan.

Tedros Adhanom ayaa ah siyaasi saaxiib la ah hogaamiyeyaasha iyo madaxda Soomaalida oo si weyn ugu dhex milmay siyaasadda Soomaaliya muddooyinkii ugu danbeeyay.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON