Wasiirka Gaashaandhigga Kenya haweeneyda lagu magacaabo Rachael Omamo ayaa sheegtay in xaalada ciidamada Kenya ee ay wajahayaan ay tahay mid halis ah oo weli ay socdaan howlgallada Soomaaliya.
Iyadoo ka hadleysay kadib dhaawacyadii askarta Kenya ee loo dhoofiyay dalkooda, waxay cambaareysay weerarka Alshabaab iyadoo qiratay in ciidamada Kenya ay soo gaartay xaalad adag balse ay ka go;an tahay inay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.
Taliyaha ciidamada Kenya Gen. Samsom ayaa isna sheegay inaysan marna ogolaaneynin qasaare kale oo soo gaara ciidamadooda, wuxuuna dadka Kenya ugu baaqay inay taageeraan ciidamadooda.
DHINACA SARE KA DAAWO
Goobjooge.com