Monday, July 14, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga & Madaxweynaha Galmudug oo tegay Degmada Ceelbuur

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa gaaray degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud iyadoo ay la socdaan saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.

Wafdiga labada dhinaca ka kooban ayaa la sheegay inay u kuur galayaan xaaladda degmada Ceelbuur oo maalmihii ugu danbeeyay ay ka socdeen howgallo ay wadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada  Federaalka, iyagoo kulamo la yeelanaya  maamulka degmada iyo waxgaradka degaankaasi.

Ammaanka Ceelbuur ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay xoojiyeen xaalada amaanka degaanadaasi. Waxgaradka Ceelbuur ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay degaanka Ceel Qooxle ku dileen 4 qof oo rayid ah, isla markaana ay xireen odayaal tiro badan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON