Thursday, July 3, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga oo Diyaarad Helicopter ah ku tegay Degmada Aadan yabaal

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur oo kasoo laabtay socdaalkii dalka Itoobiya ayaa garay degmada Aadan-yabaal oo dhowaan laga saaray Al-Shabaab.

Wasiir Jaamac ayaa Aadan Yabaal ku tegay d Diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin ciidamada ATMIS, waxaana halkaasi hore ugu sugnaa Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Rage iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe.

Wasiirka iyo Taliyaha oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa socod ku soo maray goobaha ay joogaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee degmada Aadan Yabaal.

Wasiirka ayaa sheegay inaan laga hari doonin firxadka kooxda arxanka daran ee Khawaarijta ah oo halkaan sanado badan ku dhibaateynayey shacabka deegaanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in jab xooggan Khawaarijta lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda dalka, isla markaana aan laga hari doonin meel kastoo ay gabaad ka dhigtaana looga dabagali doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON